Barcelona & Ronald Koeman Oo Durba Khilaaf Suuqa Ah Soo Kala Dhex Galay, Thiago Alcantara & Georginio Wijnaldum Ayaa Sabab U Ah.

0
38

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddigeedii hore ee Thiago Alcantara suuqa xagaagan laakiin tababaraha cusub ee kooxda Ronald Koeman ayay kaga dhagantahay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum.

Kubad sameeyay Bayern Munich ee Thiago oo haatan gudanaya waajibaadka xulka qarankiisa ayuu hal sano uga hadhsanyahay heshiiskiisa Bayern waxana si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Liverpool.

Laakiin Bacelona oo ah kooxda uu Akademiyadeeda ka soo baxay kana tagay sanadkii 2013 ayaa doonaysa in ay ku soo celiso kooxda laakiin Koeman ayaa doonaya xiddiga reer Holland ee Georginio Wijnaldum sida uu sheegayo wargayska Mundo Deportivo.

Heshiiska Georginio Wijnaldum ee Liverpool aya sidoo kale dhici doona xagaaga dambe waxana ay kooxdu ku heli kartaa saxiixiisa 22 milyan oo euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here