Barcelona Oo Ugu Dambayn Heli Karta Saxiixa Daafaca Man City Ee Eric Garcia & Arinta Ka Caawin Karta Oo La Ogaaday.

0
75

 

Kooxda Barcelona ayaa ugu dambayn heli karta saxiixa daafaca kooxda Man City ee Eric Garcia inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Saxiixa Man City ee daafaca Ruben Dias ayaa Barcelona ka caawin kara in ay hesho saxiixa daafaca ka soo baxay Akademiyadeeda ee Eric Garcia.

Kooxda Man City ayaa ku dhaw in ay ku dhawaaqdo saxiixa daafaca Benfica ee Dias xilli ay kooxda Benfica haatanba xaqiijisay in ay haatanba Man City ka iibisay daafaca oo ku kacaya lacag dhan 68 milyan oo euro.

Maamulka Barcelona ayaa ku rajo weyn saxiixa Eric Garcia xilli hal todobaad ka hadhsanyahay xidhitaanka suuqa kala iibsiga xagaagan.

Heshiiska Eric Garcia ee Man City ayaa dhici doona xagaaga 2021 waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda ku ciyaarta Etihad Stadium.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here