Barcelona Oo Ogolaatay In Uu Luis Suarez Ku Biiro Koox La Liga Ka Ciyaarta.

0
54

GRAF3355. EIBAR, 19/10/2019. El jugador del FC Barcelona, Luis Suárez, celebra un gol durante el partido ante el SD Eibar, correspondiente a la novena jornada de LaLiga Santander, que se disputa en el Estadio Municipal de Ipurúa, en Eibar. EFE/Javier Etxezarreta

Kooxda Barcelona ayaa ugu dambayn ogolaatay in uu Luis Suarez ku biiro kooxda Atletico Madrid kadib markii wakiilada xiddigu la kulmeen madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu.

Wax walba waxa ay u muuqdeen kuwo dhamaaday Ka hor salaasadii iyada oo uu Suarez wakhti hore heshiis la gaadhay kooxda Atletico Madrid si uu uga tago Barcelona.

Laakiin Madaxweynaha Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa joojiyay heshiiska isaga oo diiday in uu xiddiga weerarka uga ciyaara ku biiro Atletico Madrid waliba si xor ah taas ka xanaajisay Suarez marka loo eego in gabi ahaan la kansalay heshiiskiisa Barcelona.

Fiidnimadii Arbacadii wakiilada xididga ayaa la kulmay madaxweynaha Barcelona si loo helo xal kama dambays ah oo lagu arimiyo.

Haatan Suarez ayaa isaga tagi kara kooxda Atletico Madrid isaga oo ku biiri kara kooxda isla maanta oo arbaca ah saacadaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here