Barcelona Oo Ogolaatay In Ay Man United Ka Iibiso Ousmane Dembélé Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay.

0
60

 

Wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya in ay kooxda Man United haatan wadahadalo kula jirto kooxda Barcelona oo ay ka doonayaan saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara ee Ousmane Dembélé inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Xiddiga Ousmane Dembélé ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Barcelona xagaagan kadib markii uu ku fashilmay kooxda sabab la xidhiidha dhaawacyo joogto ah.

Ousmane Dembélé ayaa bartilmaameed u noqday kooxda Man United kadib markii ay ku fashilmeen saxiixa xiddiga Jadon Sancho ee u ciyaara Dortmund.

Wargayska Daily Record ayaa sheegaya in ay Barcelona ogoshahay in ay Ousmane Dembélé u ogolaato in uu ku biiro kooxda Man United waliba si amaah ah.

Laakiin wargayska ayaa sheegay in ay Barcelona dhigeeda Man United hordhigtay hal shardi oo ah in ay United xagaaga dambe si toos ah ula wareegto kana bixiso lacag dhan 100 milyan oo euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here