Barcelona Oo Loo Sheegay Halka Wado Ee Uu Lionel Messi Ku Sii Joogi Doono Wixii Xilli Ciyaareedkan Ka Dambeeya.

0
61

 

Xiddiga kooxda Barcelona ee Sergi Roberto ayaa shaaca ka qaaday halka wado ee ay Barcelona ugu hubin karto in uu Lionel Messi sii joogo kooxda wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

Mustaqbalka Lionel Messi ayaa si weyn loo hadal hayay bilihii ugu dambeeyay isaga oo xitaa maamulka kooxda ka codsaday in uu isaga tago kooxda.

Laakiin ugu dambayn Lionel Messi ayaa go’aankiisa badalay isaga oo sii joogay kooxda laakiin kaliya xilli ciyaareedkan la hubo in uu sii joogi doono kooxda.

Xiddiga ay Messi isku kooxda yihiin ee Sergi Roberto ayaa u muuqda mid helay halka wado ee uu Lionel Messi u go’aansan karo in uu sii joogo Barcelona wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

Isaga oo ka hadalaya arintaas ayuu yidhi”Waxba kama ogayn in uu Lionel Messi codsaday in uu ka tago kooxda, markii aan warka ka arkay (the burofax) waan yaabay, waan rumaysan waayay in uuna Leo doonayn in uu sii joogo Barcelona”.

“Waxa aan rajaynayay in ayna sidaas waxa u dhicin, waxa aan nahay koox adag marka uu isagu joogo waanan ku faraxsanahay in uu ugu dambayn sii joogayo”.

“Waxa uu sheegay in uu kaliya hal sano sii joogi doono laakiin hadii aan si fiican u ciyaarno oo aan koobab ku guulaysano, waxa laga yaabaa in uu go’aankiisa badalo oo uu wax intaas ka badan sii joogo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here