Barcelona Oo Loo Qabtay Wakhti Ay Ku Dhamaystirto Saxiixa Mempis Depay.

0
74

TOPSHOT – Lyon’s Dutch forward Memphis Depay celebrates after scoring a goal during the French L1 footall match between Olympique Lyonnais (OL) and Dijon FC on August 28, 2020, at the Groupama Stadium in Decines-Charpieu, near Lyon, central-eastern France. (Photo by Philippe DESMAZES / AFP)

Madaxweynaha Kooxda Lyon ee Jean-Michel Aulas aya Barcelona u qabtay wakhti ay ku dhamaystirto saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Memphis Depay.

Xiddiga reer Holland ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Barcelona xilli ay kooxda Catalan doonayso in ay keento saxiixa xiddiga ka hor Isniinta soo socota ee ah maalinta ugu dambaysa suuqa kala iibsiga.

“Wixii Ka Dambeeya Jimcaha, xiddigaha aan ka tagin kooxda kama tagi doonaan”ayuu Aulas u sheegay Telefoot.

“Anaga, maalinta ugu dambaysa ee aan la soo saxiixanayno waa jimcaha”.

“Waxa aan maanta Salaasada u sheegaynaa tababaraha iyo Agaasimaha ciyaaraha”ayuu sii raaciyay.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa Xiddiga Memphis Depay ka dhigtay bartilmaameed muhiim ah isaga oo doonaya in uu kula midoobo Camp Nou.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here