Barcelona Oo Lagu Waramayo In Ay Ku Guuleysteen Badelka Semedo , Horyaalka Ingiriiska Ayay Ka Heleen.

0
54

 

Kooxda Barcelona ayaa  lagu waramayaa in hishiiska shaqsiyadeed ay ka la gaareen daafaca kooxda Norwich City ee Max Aarons

Laacibkaas ayaa si  eyn loga doonayaa suuqa xagaaga , waxaana haatan la xusayaa ain Barcelona ay la gaareen hishiiska shaqsiyadeed ayna isla meel dhigeen hishiis gaaraya illaa 5 sano

Barcelona oo baadi goobeysa xiddig garabka middiga ah waliba midkooda Semedo u badan tahay in uu  baxo xagaagan , waxa ay haatan Max u arkaan mid buuxa kara baahidaas.

Wargeyska Sport waxa uu soo xiganayaa in Barcelona ay haatan kaliya u harsan tahay in hishiiska guud la meel dhigaan Norwich kuwaasi oo ku qiimeysayanaya 20 sano jirkaas aduun dhan 20 milyan oo euro .

Max waxaa kale oo isha ku haysa kooxda Bayern Leverkusan  xilli la xusayo in kooxdiisa Norwch City ay door bidiyaan in amaah muddo fog ah  ku diraan oo ay ku jireyso doorasho ah in toos loola wareegi karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here