Barcelona Oo Lagu Soo Waramayo In Ay Lyon Kala Heshiisay Saxiixa Memphis Depay Iyo Wakhtiga Ay Xiddiga Soo Bandhigi Doonto Oo La Shaaciyay.

0
46

 

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay kooxda Lyon kala heshiisay saxiixa xiddiga garabka weerarka uga ciyaara ee Memphis Depay sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Holland.

Wargayska De Telegraph ee ka soo baxa dalka Holland ayaa sheegaya in ay Barcelona dhigeeda Lyon kala heshiisay qiimaha xiddiga oo dhan 25 milyan oo euro iyo waliba 5 milyan oo guno ah.

Transfer news and rumours LIVE: Depay closes in on Barcelona transfer |  Goal.com

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Barcelona xiddiga Memphis Depay garoonka Camp Nou ku soo bandhigi doonto todobaadkan marka la dhamaystiro macluumaadka yar ee ka dhiman dhamaystirka heshiiska.

Xiddiga Memphis Depay ayaa bartilmaameed u noqday kooxda Barcelona kadib markii uu Ronald Koeman tababaraha u noqdayy kooxda xagaagan.

Koeman ayaa si fiican u garanaya Memphis Depay maadama uu kala soo shaqeeyay xulka qaranka Holland ka hor intii uuna noqon tababarhaa kooxda Barcelona.

Memphis Depay ayaa sidoo kale qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo Lyon geeyay Semi-final-ka tartanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here