Barcelona Oo Lagu Soo Waramayo In Ay Ajax Kala Heshiisay Saxiix Uu Ronald Koeman Doonayo.

0
96

 

Barcelona ayaa heshiis la gaartay Ajax si ay ula saxiixato xiddiga daafaca Midig ka ciyaara ee Sergino Dest, iyadoo kooxda reer Catalan ay ku rajo weyn tahay inay si dhaqso leh u soo afjarto heshiiska xiddiga reer Maraykan.

Kooxda Barcelona ayaa xiddiga Sergino Dest u doonaysa badalka Nelson semedo kaas oo ku biiray kooxda Wolves maanta.

Barcelona ayaa la sheegayaa in ay xiddiga Sergino Dest oo 19 jir ah ka bixinayso lacag dhan 20 milyan oo euro iyada oo 18 milyan halka hore ka bixinaysa 2 milyan ee kalana tahay lacago gunooyin ah.

Shabakada caalamiga ah ee Goal ayaa sheegaysa Xidhiidhka fiican ee ay kooxda Barcelona la leedahay kooxda Ajaxa ayaa u sahashay in ay si deg-deg ah ugala heshiiso saxiixa xiddiga.

Ku dhawaaqista heshiiska ayaa la filayaa in la sameeyo maalmaha yar ee soo socda ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsigu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here