Barcelona Oo Laba Xiddig U Doonaysa Badalka Nelson Semedo.

0
67

Kooxda Barcelona ayaa laba xiddig midkood u doonaysa badalka Nelson Semedo kaas oo ku dhaw in uu ku biiro kooxda Wolves maalmaha ama saacadaha soo socda.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa shaaca ka qaaday in ay jirto 2 xiddig oo ay Barcelona u doonayso in ay ka dhigto badalka Nelson Semedo.

Xidiga ugu horeeya ayaa ah xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Ajax ee Sergiño Dest oo 19 jir ah kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay.

Xiddiga kale ayaa ah xiddiga kooxda Emerson kaas oo ay Asal ahaan Barcelona iska leedahay laakiin heshiis amaah ah ku jooga kooxda Real Betis.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu xiddiga Ajax ee Sergiño Dest yahay bartilmaameedka 1-aad ee kooxdu u doonayso Badalka Semedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here