Barcelona Oo Heshay Wado U Sahlaysa In Ay Suarez Ka iibiso Juventus.

0
33

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay Luis Suarez u horumariso lacagta mushaharkiisa sanadka uga hadhay hesiiskiisa si uu uga tago kooxda sida ay sheegayaan wararku.

Laakiin dhibaatada jirta ayaa ah in uuna xiddigu ku biiri karin Juventus isaga oo aan helin baasaboor talyaani ah.

Heshiiska Suarez ee Barcelona ayuu ka hadhay hal sano laakiin tababare Ronald Koeman ayaa doonaya in uu iska diro xiddiga.

Suarez ayaa diidan in uu ka tago kooxda ilaa inta uu ka dhamaanayo heshiiska halka snao ah ee uu kula jiro kooxda.

Sidaas darteed wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Barcelona diyaar u tahay in ay Suarez jeebka ugu shubto 15-ka milyan ee uu mushaharka u qaadan lahaa xilli ciyaareedkan si uu uga tago kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here