Barcelona Oo Heshay Wado Ay Man City Uga Heli Karto Saxiixa Eric Garcia

0
79

 

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay Rafinha u soo bandhigtay Manchester City si ay qeyb uga noqdo heshiiska ay ku doonayaan daafaca Eric Garcia.

Kooxda reer Catalan ayaa weli lala xiriirinayaa inay u dhaqaaqeyso Garcia, laakiin waxaa la fahamsan yahay in kooxda Ronald Koeman ka fogtahay in ay heshiis la gaadho kooxda Man City.

Kooxda Man City ayaa la rumaysanyahay in ay doonayso 30 milyan oo euro si ay u iibiso da’yarka laakiin Barcelona ayaa kaliya diyaar la ah 10 milyan oo euro xiddiga heshiiskiisu dhici doono xagaaga dambe.

Sida laga soo xigtay RAC1, kooxda La Liga ka dhisan ayaa haatan Man City u soo bandhigtay dalab lacageed oo dhan 10 milyan iyo waliba xiddiga reer Brazil ee Rafinha si ay ugu darto heshiiska.

Si kasta ha ahaatee wararka ayaa sheegaya in ay U badantahay in ayna Man City aqbali doonin dalabkaas maadama ay doonayso lacag kaash ah wax xiiso ahna u qabin Rafinha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here