Barcelona Oo Go’aan Ka Gaadhay Baacsiga Thiago Alcantara & Liverpool Oo Ku Faa’iido Qabta.

0
10

Liverpool ayaa u muuqata mid kali ku noqotay baacsiga ay ugu jirto xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara xagaagan kadib markii ay Barcelona ka baxday baacsiga ay ugu jirtay xiddiga khadka dhexe.

Mustaqbalka Thiago Alcantara ee Bayern Munich ayuu shaki weyn ku jiraa kadib markii ay bur-bureen wadahaladii heshiis kordhinta bilowgii xagaagan.

Thiago Alcantara ayaa Bayern u sheegay in uu raadinayo tartan cusub diyaarna u yahay in uu xagaagan isaga tago kooxda.

Kooxda Bayern Munich ayaa si xor ah ku waayi karta xiddiga xagaaga dambe sidaas darteed waxa ay aad u doonayaan in ay iska iibiyaan xagaagan.

Wararka ayaa si weyn ula xidhiidhinaya kooxda Liverpool iyada oo uu Thiago Alcantara doonayo in uu ku biiro kooxda Liverpool xagaagan.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa la sheegayay in ay Barcelona ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe laakiin kooxda Barcelona oo uu Thiago sanadkii 2013 isaga tagay ayaa haatan ka baxday tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here