Barcelona Oo Go’aan Ka Gaadhay Baacsigii Ay Ugu Jirtay Baacsiga Lautaro Martinez, Maxaa Is Badalay?

0
76

 

Kooxda Barcelona ayaa go’aansatay inaysan sii wadin xiisaha ay u qabto saxiixa weeraryahanka kooxda Inter Milan Lautaro Martinez.

Weeraryahanka reer Argentina ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Nou Camp sanadka oo dhan waxana ay Inter Milan ku qiimaysaa xiddiga lacag dhan 111 milyan oo euro.

Si kasta ha ahaatee marka loo eego xaalada dhaqaalo xumo ee lagu jiro kooxda Barcelona ayaa awood u wayday in ay bixiso lacagta ay Inter Milan dalbanayso.

Si kasta ha ahaatee kooxda La Liga ka ciyaarta ayaa sii wadi doonta in ay raadiso buuxinta booska uu baneeyay Luis Suarez oo ka tagay kooxda kuna biiray Atletico Madrid.

Martinez ayaa bedel fiican u noqon lahaa Suarez madaama uu 14 gool ka dhaliyay Serie A xilli ciyaareedkii hore, islamarkaana uu shabaqa soo taabtay Sabtidii isaga oo kooxdiisa ka caawiyay guul 4/3 ah oo ay ka gaadhay Fiorentina.

Laakiin u dhaqaaqista Lautaro Martinez ayaa meesha laga saaray maadama ayna kooxdu diyaar u ahayn in ay bixiso lacagta ay Inter Milan doonayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here