Barcelona Oo Dalabkeedii Ugu Dambeeyay Ka Gudbineysa Lautaro Martinez.

0
63

 

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay dalabkeedii ugu dambeeyay ka gudbiso xiddiga kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez.

Kooxda reer Catalan ayaa si xoogan loola xiriirinayay xiddiga reer Argentine bilihii lasoo dhaafay laakiin ilaa iyo haatan ma aysan awoodin inay heshiis la gaaraan Inter.

Wakiilka Martinez ayaa dhawaan sheegay in uuna xiddiga wakiilka u yahay ka tagi doonin Inter Milan maadama ayna Barcelona awood u lahayn in ay bixiso lacagta lagu iibisanayo xiddiga sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Kooxda Ronald Koeman ayaa dhawaan iska iibisay xiddigaha Arturo Vidal, Nelson Semedo iyo Luis Suarez si ay lacag ugu hesho xoojinta kooxda.

Sida laga soo xigtay Marca, kooxda La Liga ka dhisan ayaa isku diyaarineysa isku daygii ugu dambeeyay ee ay ku doonaysay saxiixa xiddiga 23 jirka ah iyada oo la sugi doonin in ay Inter Milan diyaar u tahay in ay hoos u dhigto qiimaha 111 milyan ee ay dalabanayso.

Bixitaankii Suarez ayaa Barcelona ku keenay in uu ku yaraado dookha weerarka tooska ah iyada oo uu Antoine Griezmann yahay xiddiga kaliya ee weerarka ka ciyaari kara.

Martinez ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkii hore isaga oo dhaliyay 21 gool 49 kulan oo uu saftay isaga oo 6 gool dhaliyay champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here