Barcelona Oo ciyaareyso Joan Gamper Cup, Ronald Koeman oo Hogaamin doona Kulankiisi Ugu Horeyey iyo Fahfaahinta Kulankaas

0
20

 

Kooxda Barcelona ayaa la ciyaari doonta kooxda Gimnastic Kulan saaxiibtinimo ah oo ay kooxdu isugu diyaarinayso xilli ciyaareedak cusub ee horyaala La Liga.

Tababare Ronald Koeman ayaa maanta hogaamin doona kulankii ugu horeeyay ee Barcelona ah marka ay la ciyaari doonaan kooxda Gimnastic.

Kulanka ayaa la filayaa in ay ka qayb qaataan dhamaan xiddigaha muhiimka ah ee tababarka la bilowday kooxda xilli la filayo in uu xitaa Messi daqiiqado ciyaaro.

Kulanka ayaa soo gali doona 8:00 habeenimo ee wakhtiga geeska Africa iyada oo laga daawan doono Tv-ga khaaska ah ee kooxda Barcelona.

Inkasta oo laga yaabo in ay dad badan daawan kari waayaan kulanka hadana Kooxda.com ayaa idiin soo gudbin doonta natiijada iyo wax walba oo ka dhaca kulanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here