Barcelona Miyay Ka Quusteen Saxiixa Depay , Madaxaweynaha Lyon Ayaa Jawaabay?

0
84

Xilli la xusayay in Barcelona ay  hsihiiska shaqsiyadeed la gaareen xiddiga Lyon ee Depay haatan xogo cusub ayaa soo baxaya oo kooxdaas ka sii fogeynaya saxiixa wiilkaas reer Holland.

Madaxaweynaha kooxda Lyon Jean-Michel waxa uu shaaciyay in dhiggiisa Barcelona ee Maria Bartomeu ku war giliyay in aysan awoodin xagaagaan in dalab  rasmi ah ka gudbiyaan Depay.

Macalinka cusub Barcelona ee Ronaldo ayaa aad ula dhacsan laacibkiisii qaranka Holland uu ku layliyay isaga oo u arka badelka Suarez oo loo badinayo in uu baxayo xagaagaan

Depay oo dhankiisa aan weli ogalaan in uu qalinka ku duugo hishiis cusub waxaa midkiisa haatan ka harsan hal xilli ciyaareed waxa uuna ku siman yahay xagaaga 2021-ka

” Madaxweynaha Barcelona  waxa uu igu war giliyay in xaaladda ay ku adag tahay  sababo la xariira dhibaatada dhaqaale ee Karoona uu reebay sidaa darteed aysan awoodin dalab ay ka keenaan Depay marka la eego qiimaha aynu dalbaneyno , sidaa darteed gacanta ayay taageen” ayuu Twitteriisa ku so qoray madaxa  Lyon ee Jean-Michel

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here