Bale, Alli, Walcott, Aubameyang, Partey, Garcia, Suarez & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

0
68

Waxa si Rasmi ah Albaabada loogu furay suuqa kala iibsiga xagaaga kaas oo ay kooxuhu haatan samayn karaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaan.

Xagaagan oo noqon doona midka ugu dheer taariikhda suuqa kala iibsiga ayaa noqon doona sidoo kale mid aad uga duwan suuqyadii hore marka laga hadlo dhanka lacagaha.

Kooxaha ayaa haatanba la daalaa dhacaya dhaqaale xumo uu sabab u noqday xanuunka Korona sidaas darteed kooxaha ayaa si taxadar leh u gali doona suuqa xagaaga iyaga aan sidii hore suuqa lacag waali ah u galin doonin.

Sidoo kale suuqa xagaagan waxa aan ku arki doonaa dabeecado cusub sida isku badalashada xiddigaha iyo waliba in la badiyo heshiisyada amaahda ah.

Hadaba kooxda.com oo caan ku ah in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararka suuqa ugu dambeeyay iyo waliba kuwa ugu xasaasisan halkan ku soo bandhigi doontaa wararki ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda Tottenham ayaa xiddiga khadka dhexe ee Dele Alli U Isticmaali karta soo xero galinta xiddiga Gareth Bale (Mail).

Everton ayaa diyaar u ah in ay dhagaysato dalabyada u ianaya xiddigaha Theo Walcott, Alex Iwobi iyo Moise Kean (Mirror).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah oo uu ku qaadan doono 55 milyan iyo lacago guno ah (Times).

Arsenal ayaa wali qorshaynaysa in ay saxiixyo cusub samayso xagaagan iyaga oo bartilmaameed ka dhigtay xiddigaha Thomas Partey Iyo Houssem Aouar (Mirror).

Kooxda Bayern Munich ayaa dib u soo cusboonaysiinaysa baacsigii ay ugu jirtay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Callum Hudson-Odoi (Mail).

Kooxda Barcelona ayaa marka hore ku qabsan in ay xiddigo iska iibiso ka hor inta ayna la soo saxiixan xiddiga Memphis Depay (Goal).

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in ay doonayso saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Mna City ee Eric Garcia iyaga oo u dhaqaaqaya hadii ay iska iibiyaan daafacyada Samuel Umtiti & Jean-Clair Todibo (Mail).

Kooxda Juventus ayaa ka hadhaysa xiisaha weeraryahanka kooxda Barcelona ee Luis Suarez sabab la xidhiidha in uuna horay u helayn baasaboorka Talyaaniga (Goal).

Heshiiskii ay Chelsea ku doonaysay saxiixa Goolhayaha Rennes ee Edouard Mendy ayaa istaagay sabab la xidhiidha in ay Kooxda reer France badashay qodobadii heshiiska (Star).

Kooxda Inter Milan ayaa wali doonaysa saxiixa daafaca Bidix ee Emerson Palmieri laakiin West Ham ayaa ku biirtay baacisga (Independent).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here