Bakhaylinamada Man United Oo Sabab U Noqon Karta In Ay Seegto Saxiixa Alex Telles.

0
52

 

Kooxda Man United ayaa diidan in ay bixiso lacagta ay kooxda Fc Porto doonayso in ay ku iibiso xiddiga daafaca Bidix ka ciyaara ee Alex Telles.

Taas ayaa la macno ah in ayna suurtagal ahayn in ay Man United dhamaystirto saxiixa daafaca Bidix ka hor inta uuna dhamaan suuqa kala iibsiga Isniinta.

Heshiiska daafaca Bidix ayaa dhici doona xagaaga dambe sidaas darteed halkii ay haatan bixin lahayd lacagta lagu iibinayo, United ayaa sugaysa ilaa suuqa January markaas oo ay heshiis hordhac ah la gaadhi karaan.

Red Devils ayaa ka gudbisay xiddiga reer Brazil dalab lacageed oo dhan 12 milyan oo euro laakiin Porto ayaa diiday dalabkaas iyaga oo u sheegay in ay doonayaan lacag dhan 22.7 milyan euro.

United ayaan doonayn in ay bixiso lacagtaas waliba diyaar u ah in ay sugto ilaa xagaaga dambe si ay xor ugula soo wareegto marka uu dhoco heshiiskiisu.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in uu Telles si aad ah u doonayo in uu ku biiro Man United isaga oo haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay United.

Laakiin Bakhaylnimada United ayaa haatan khatar galinaysa in ay Man United mar kale koox kale u waydo saxiixa xiddiga Telles.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here