Arsene Wenger Oo Kashifay Koox Weyn Oo Premier League Ah Oo Dalab U Soo Bandhigtay Si Uu Tababare Ugu Noqdo

0
68

 

Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday in loo soo bandhigay shaqada tababarenimo ee Manchester United – in kasta oo uusan daboolka ka qaadin wakhtigii lo soo bandhigay.

Wenger ayaa 22 sano maamulay kooxda Arsenal ka hor intii uuna ka tagin kooxda sanadkii 2018 isaga oo kula guulaystay seddex Premier League iyo 7 FA Cup.

Wenger ayaan hubin in uu mar kale ku soo laabto shaqada tababaranimo laakiin waxa uu qirtay in loo soo bandhigay qaar ka mid ah shaqooyinka ugu waa weyn kubada cagta adduunka.

“Waxa la ii soo bandhigay shaqadaas dhawr jeer”ayuu u Sheegay wargayska The Times.

Markii la weydiiyay haddii loo soo bandhigay shaqada Manchester United, wuxuu ku jawaabay: ‘Haa’

Markii la weydiiyay wakhtigii loo soo bandhigay inta uu dhoolacdeeyay ayuu yidhi”Taas kuuma sheegayo”.

“Laakiin waxaan kuu sheegi karaa in Man Utd ay ii soo bandhigtay shaqada Tababaranimo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here