Arsenal Oo Wadahadalo La Furtay Chelsea Si Ay Uga Hesho Xiddig Khadka Dhexe Ah Kadib Markii Ay Ku Hungawday Houssem Aouar

0
63

 

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo la furtay kooxda chelsea si ay uga hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Jorginho kadib markii ay seegtay xiddiga khadka dhexe kooxda Lyon ee Houssem Aouar.

Gunners ayaa si xoogan loola xiriirinayay Aouar isbuucyadii la soo dhaafay, laakiin kooxda ka dhisan Premier League ayaa lagu soo waramayaa inaysan haatan u muuqan inay lasoo saxiixaneyso xiddiga reer France.

Sida laga soo xigtay saxafiga reer France Julien Laurens, kooxda Mikel Arteta ma awoodi doonto inay keenaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lyon garoonka Emirates ka hor inta aan la gaarin maalinta Isniinta ee suuqa kala iibsiga.

Si kastaba ha noqotee, Laurens ayaa sheegaya in ay kooxda ka dhisan London ay raadineyso in ay dhamaystirto saxiixa Jorginho.

28 jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedkan kooxda Chelsea, isagoo dhaliyay seddex gool afar kulan oo uu saftay, oo ay ku jirto labo gool uu ka dhaliyay Crystal Palace Premier League galabnimadii Sabtida.

Xiddiga reer Italy ayaa lagu soo waramayaa in loo ogolaan karo inuu ka tago Stamford Bridge xilli ay Arsenal isku dayayso in ay hesho saxiixiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here