Arsenal Oo Rajo Ka Heshay Baacsigii Ay Ugu Jirtay Saxiixa Thomas Partey, Maxaa Cusub?

0
39

Kooxda Atletico Madrid ayaa bilowday raadinta badalka xiddiga Thomas Partey taas oo rajo siinaysa kooxda Arsenal oo lala xidhiidhinayo xiddiga khadka dhexe xagaagan oo dhan.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay kooxda Atletico Madrid bartilmaameedsatay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Espanyol ee Marc Roca si ay badal uga dhigto Thomas Partey.

Warkan ayaa rajo fiican kooxda Arsenal ka siinaya saxiixa xiddiga khadka dhexe kaas oo lala xidhiidhinayo kooxda Gunners.

Hadii ay Atletico Madrid la soo saxiixato saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Marc Roca waxa ay u badantahay in ay Arsenal ka iibin doonto xiddiga Thomas Partey.

Thomas Partey ayaa dhankiisa diyaar u ah in uu u dhaqaaqo kooxda Arsenal hadii ay Gunners bixiso lacagta 45 milyan ee lagu bur-burin karo saxiixiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here