Arsenal Oo Loo Sheegay Waxa Ay Ka Filan Karaan Thomas Partey.

0
76

 

Tababarihii hore ee xulka qaranka Ghana ee Avram Grant Ayaa Arsenal u sheegay in uu Thomas Partey muujin doonin uu yahay saxiix ku fiican kooxda Gunners.

Avram Grant ayaa Partey kala soo shaqeeyay xulka qaranka Ghana intii u dhexaysay 2014 ilaa 2017 waxana uu rumaysan in uu xiddiga ay Gunners 45-ka milyan ka soo bixisay in uu noqon doono saxiixa ugu fiican kooxda.

“Waxa aan taageerayaasha Arsenal u sheegi doonaa in ay dhawr todobaad siiyaan Partey si uu ula qabsado kubada England sababta oo ah horyaalku wuu ka duwan yahay horyaalada kale”ayuu u Grant u sheegay The Sun.

“Laakiin waxa uu muujin doonaa in uu yahay saxiix fiican, mid ku fiican waxa uu Mikel Arteta dhisayo, marka aad doonayso in uu kubada hayo wuu samayn karaa waxana uu ku soo bixi doonaa kooxda uu Arteta dhisayo”.

“Waa xiddig khadka dhexe ee daafaca ah kaas oo dili doona kubad walba oo dhaafta waxana uu samayn karaa baas sax ah”.

“Waxa uu wax weyn ka badali doonaa Arsenal sidii uu u sameeyay Atletico Madrid, run ahaantii waa saxiix fiican waana xiddigii ay u baahnaayeen”.

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here