Arsenal Oo Loo Sheegay In Ay Iska Ilowdo Saxiixa Houssem Aouar Loona Sheegay Booska Ay Tahay In Ay Xoojiso.

0
64

 

Halyeeyga kooxda Liverpool ee John Barnes ayaa Arsenal u sheegay in ay iska iloobaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lyon ee Houssem Aouar iskana xoojiyaan daafaca.

Gunners ayaa xagaagan oo dhan lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Houssem Aouar kaas oo ay xitaa ka gudbisay dalab 31 milyan ah oo laga soo diiday.

Waxa ay u muuqatay in ay Arsenal ku dhibaatoonaysay in ay bixiso lacagta ay dalbanaysay kooxda reer France kuwaas oo haatan go’aamiyay in ay sii haystaan xiddiga xilli ciyaareedkan.

Arteta ayaa doonayay in uu Houssem Aouar ku soo daro kooxdiisa isaga oo u arkay mid wax weyn ku soo kordhin doona kooxdiisa xilli ciyaareedkan.

Laakiin Barnes ayaa sheegay in ay Arsenal saacadaha ugu dambeeya suuqa isku daydo in ay xoojiso daafaca dambe.

“Hadii aan ahay Arsenal ama Mikle Arteta kama wal-waleen Houssem Aouar, waxa aan raadin lahaa xoojin dhanka daafaca ah”ayuu Barnes yidhi.

“Arsenal waxa ay u baahantahay daafac kale waliba mid tayo leh, ma ahan khadka dhexe ama weerarka booska ay tahay in ay iska xoojiyaan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here