Arsenal Oo Lagu Garaacayo Saxiixa Houssem Aouar, Koox Kale Ayaa Ku Dhaw Saxiixiisa?

0
82

 

Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo la furtay kooxda Lyon si ay uga helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee reer France ee Houssem Aouar.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa loo arkaa bartilmaameedka ugu muhiimsan ee Arsenal laakiin Gunners ayaa ku dhibaatoonaysa in ay Lyon kala heshiiso qiimaha xiddiga.

Tababaraha kooxda Lyon ee Jean-Michel Aulas ayaa xaqiijiyay dhawaan in Kooxda Arsenal dalab laga xishoodo ka gudbisay saxiixa xiddiga laakiin isla markiiba la diiday.

Arsenal ayaa la rumaysanyahay in ay si aad ah u doonayso in ay iska fasaxdo xiddigo si ay lacag ugu hesho xiddiga reer France.

Laakiin wargayska L’Equipe ayaa sheegaya in ay PSG haatan ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in kooxda PSG haatan wadahadalo horumar leh kula jirto xiddiga reer France ee 22 jirka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here