Arsenal Oo Ka Hadashay Mustaqbalka Sead Kolašinac Ee Qalcadda Emirates

0
68

Tababaraha kooxda Arsenal ee Arteta ayaa ka hadlay mustaqbalka xiddigiisa Sead Kolašinac kaasi oo si weyn loola xariirinayo in uu baxayo xagaagaan

Ilo wareedyo horay u soo baxay ayaa sheegayay in Sead Kolašinac u badan tahay in uu aado kooxda Bayer Leverkusen sababo la xariira dhanka qoyska .

Su`aal macalin Arteta laga weydiiyay xaaladda laacibkaas waxa uu Football London ka yiri”marka aadan awoodin in ciyaartooyga aad caawiso waa qasab in aad albaabka bixitaanka aad u furto”

“Ugu Horeyn marka aad ciyaartooy fasaxeyso waa in la qimeeyaa kooxda awoodda in ay bixiso qiimaha laacibka si ugu dambeyn uu u aado kooxda munaasib ku ah”

Mar kale ayaa toos loo weydiiyay in uu filayo in Sead Kolašinac uu baxayo xagaagaan waxa uu macalinka yiri” xilligaan la joogo ma filayo in ciyartooy Arsenal ah uu baxayo , xaalkeyga haatan waa sidaas”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here