Arsenal OO Iska Fasaxaysa William Saliba Bilo Kadib Markii Uu Ku Soo Laabtay Kooxda.

0
75

 

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay qaab amaah ah ku fasaxayso xiddiga daafaca uga ciyaara ee William Saliba sida ay sheegayaan wararka ka imanaya France.

Arsenal ayaa la sheegayaa in ay wadahadalo kula jirto kooxda reer France ee Rennes kuwaas oo Amaah ku doonaya daafaca reer France ee William Saliba onta lagu jiro suuqa xagaagan.

William Saliba ayaa ku soo laabtay kooxda Arsenal xagaagan kadib markii uu heshiis amaah ah ku soo qaatay horyaalka France xilli ciyaareedkii hore.

Wargayska Telefoot Chaine ayaa sheegaya in ay kooxda Rennes heshiis amaah ah oo hal xilli ciyaareed ah ku doonayso saxiixa xiddiga 19 jirka ah ee William Saliba.

Dhanka kale Arsenal ayaa la sheegayaa in ay ka fiirsanayso in ay William Saliba ku fasaxdo heshiis amaah ah si uu u helo boos joogto ah oo kooxda 1-aad ah maadama uuna si joogto ah ugu ciyaarayn kooxda 1-aad ee Arsenal.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here