Arsenal Oo Heshiiska Shaqsiga Ah La Gaadhay Houssem Aouar & Faah-Faahinta Heshiiska Oo La Ogaaday.

0
42

 

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay 2 todobaad ka hor heshiis 5 sano ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lyon ee Houssem Aouar.

Kubad sameeyaha khadka dhexe ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa Arsenal xagaagan ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsigu Kooxda ayaana doonaysa in ay si aad ah u hesho saxiixa xiddiga.

Gunners ayaa haatanba keentay xiddigaha Gabriel iyo Willian xagaagan laakiin waxa ay doonaysaa xiddiga 22 jirka ah in ay ka dhigto saxiixeeda kale.

Saxafiga reer Italy ee Nicolo Schira ayaa Twitter-kiisa ku soo qoray in uu Aouar ogolaaday heshiis 5 sano ah 2 toddobaad ka hor xilli ay haatan hadhay in ay lyon kala heshiiso qiimaha xiddiga.

Si kasta ha ahaatee saxafiga ayaa sheegay in ayna Arsenal wali dalab la aqbali karo ka gudbin saxiixa xiddiga inkasta oo ay heshiiska shaqsiga ah la gaadhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here