Arsenal Oo Dhamaystiri Doonta Saxiixa Houssem Aouar & 3 Xiddig Oo Arsenal Ka Caawin Kara Saxiixa.

0
108

 

Arsenal ayaa ka go’an inay lasoo saxiixato xiddiga khadka dhexe ee Houssem Aouar xilli ay kooxda reer France doonayso in ay iska iibiso xiddiga laakiin Mikel Arteta ayaa u baahan in uu marka hore iska iibiyo xiddigo todobaadkan xilli uu ilaa Isniinta haysto in ay dhamaystiro saxiixa xiddiga.

Kooxda Arsenal ayaa rajaynaysa in ay midkood la soo saxiixato xiddigaha Houssem Aouar Ama Thomas Partey ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xgaaga.

Xiddiga Houssem Aouar ayay u badantahay in uu ku soo biiro Arsenal xilli Lyon doonayso in ay iska iibiso xiddiga xilli Gunners wadahadalo kula jirto Lyon.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya hadii ay Arsenal doonayso in ay midkood dhamaystirto labada xiddig waa in uu Mikel Arteta marka hore iska iibiyo xiddigo 3 ah.

Xiddigahaas ayaa la sheegayaa in ay noqon karaan xiddigaha Lucas Torreira, Matteo Guendouzi & Sokratis kuwaas oo doonaya in ay isaga tagaan kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here