Arsenal Oo Dhamaadkii Guul Qaali Ah Ka Gaartay West Ham United Ka Dib Ciyaar Ciyaar Iska Dhex-dhexaad Aheyd

0
48

 

Nketiah ayaa Arsenal ku hogaamiyay guul qaali ah , waxa ayna 2/1 uga taqaluseen kooxda West Ham kuwaasi oo fursado badan iska qasaariyay kulankaas

Sheekada qeybta hore : Arsenal iyo West Ham ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac min hal gool ah ka dib qaladaad dhanka daafaca ah waxaana ku horeysay Arsenal oo daqiiqadii 25-aad gool   cajiib ah uu u dhaliyay Lacazette ka dib baas farsameysan oo uu ka helay Aubameyang

Ka hor goolkaas  , Arsenal waxaa ku adkaa in kubadaha weerarka ah ay dhisaan halka Westham ay si weyn uga xaroonayeen garabka middig balse waxaa ku adkaa in ay toos u halis giliyaan goosha Arsenal.

Guud ahana qeybtaas hore waxa ay Arsenal soo bandhigeen ciyaar  heerkoodii uu iska dhex dhexaad ahaa  waxaana weli muuqaneysa in dhanka daafaca weli lagu jiro inkastoo kubadda iyaga ay ku badnaayeen

West Ham aad ayay ugu dhiiranayeen in afka hore u soo dhaqaaqaan  , aad ayay garoonka isugu balaarinayeen balse dhameystirka ayaa ka maqnaa inkastoo daqiiqaddii 45-aad ay heleen goolka bar bar dhaca oo ahaa mid rogaal celis ku yimid

Biloowga qeybta labaad , Arsenal iyaga ayaa ku badnaa kubadda halka West Ham  door bidayeen kubadaha rogaal celiska ah  balse  si sax ah ugaa aysan faa`ideysanayeen maadaam durba ay qaadanayene go`aano deg deg ah.

West Ham si wacan ayay garoonka isugu balaarinayeen waxa ayna ciyaarta aheyd mid u furan labada koox balse guud ahaan hanaanka ciyaarta waxa auu ahaa  mid laga filan karo gool , waxa ayna Arsenal daqiiqadii 64-aad saareen Willian iyaga oo soo giliyay Pepe  xilli west ham ay fursado wax ku ool ah ay qasaarinayeen  waxaana ugu darneyd fursad birta kaga dhacday daqiqaddii 67-aad

Arsenal daqiiqadii 77-aad waxa ay soo giliyeen Nketiah oo loo saaray Lacazetta , waxa ayna kooxda Arteta dagaal ugu jireen in mar kale shabaqa West Ham United kuwaasi oo dhankooda foojignaa .

West Ham dhamaadkii aad ay ugu dhawaaayeen gool ay ku helaan Arsenal balse nasiibka ayaa ka maqnaa xilli Arsenal isku day badan ay sameynayeen illaa ay keeneen gool daqiiqadii 86-aad waxaana saxiixay Nketiah .

Ka dib goolkaas , waxa ay Arsenal soo giliyeen Luiz oo loo saaray Saka waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 2/1 , waxaana guud ahaan kulankaan lagu tilmaami karaa in wiilasha Arteta ay soo bandhigeen ciyaar heerkeeda uu ahaa mid iska dhex dhexaad ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here