Arsenal Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Xidig U Ciyaaro Kooxda Celtic

0
16

 

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay dalab Rasmi ah oo dhan 22.5 milyan euro ka gudbiyeen saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Celtic ee Odsonne Edouard.

22 jirkaan ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda heysata horyaalka Scotland kadib markii uu muddo qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay isaga oo labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay dhaliyay 51 gool.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Arsenal Edouard u aqoonsatay badalka suurto galka ah ee Alexandre Lacazette waxayna sameysay talaabadii ugu horeesay ay ku doonayeen xiddiga in ay ku keenaan Emirates.

Gunners ayaa raadinaysa badalka Lacazette kaas oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda Arsenal iyada oo lala xidhiidhinaya kooxo dhawr ah.

Lacazette ayaa qirtay in uu doonayo in uu sii joogo kooxda laakiin kooxda ayaa la rumaysanyahay in ay doonayso in ay iska iibiso si ay lacagtiisa ugu dhaqaaqdo xiddigaha uu Mikel Arteta doonayo.

Dalabka 22.5m ayaa la rumaysanyahay in ay Arsneal 4 sano ku kala bixinayso laakiin Celtic ayaa doonaysa lacag intaas ka badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here