Arsenal Oo Dalab Cusub Ka Gudbinaysa Xiddig Ay Kaga Dhagantahay Mikel Arteta.

0
59

 

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab cusub kula laabanayso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lyon ee Houssem Aouar sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska Le 10 Sport ayaa sheegeya in Aouar yahay bartilmaameedka 1-aad ee Tababare Mikel Arteta waliba uu taageero ka haysto Maamulka Kooxda.

Si kasta ha ahaatee maamulka Arsenal ayaa sidoo kale Arteta uga digay in ayna lacag waali ah ka bixin doonin saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Dalabkii ugu horeeyay ee ay Arsenal ka gudbisay xiddiga reer France ayaa ahaa mid uu ku jiray xiddiga Matteo Guendouzi laakiin Lyon ayaa isla markiiba ka diiday dalbkaas.

Dhanka kale Houssem Aouar ayaa doonaya in uu ku biiro Arsenal waxana auu haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda ku ciyaarta Emirates.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here