Arsenal Oo Badashay Go’aan Ay Ka Gaadhay Mustaqbalka Rob Holding

0
12

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay Rob Holding ku sii heyso Emirates Stadium xilli ciyaareedka 2020-21.

Tiro xiddigo daafaca uga ciyaara Arsenal ayaa la rumaysanyahay in ay khatar ugu jiraan in kooxda laga iibiyo xagaagan xilli uu Mikel Arteta doonayo in uu dib u dhis ku sameeyo kooxda iyada oo la filayo in ay kooxda ka tagaan xiddigaha Sokratis & Shkodran Mustafi.

Kadib markii ay Arsenal dhawaan la soo saxiixatay Daafaca Gabriel Magalhaes, Holding ayaa xiddig kale oo la filayay in uu isaga tago kooxda xagaagan.

Kooxaha Leeds United iyo Newcastle ayaa la rumaysanyahay in ay xiiso u qabaan xiddiga laakiin sky Sport ayaa haatan sheegaysa in ay Arsenal ka laabatay go’aankii ay ku iibinaysay xiddiga reer England.

Wararka ayaa sheegaya in ay Arsenal haatan diidantahay in ay 24 jirka u ogolaato in uu isaga tago kooxda waxana ay diyaar u yihiin in ay sii hayaan xilli ciyaareedkan.

Holding ayaa 18 kulan u saftay kooxda tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore waxana heshiiskiisa Gunners uga hadhay 3 sano oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here