Arsenal, Man United & Liverpool Oo Heegan Buuxa Galay & Antoine Griezmann Oo Sabab U Ah.

0
35

Kooxaha Arsenal, Man United iyo Liverpool ayaa lagu soo waramaya in ay si dhaw ula socdaan xaalada & mustaqbalka xiddiga kooxda Barcelona ee Antoine Griezmann kaas oo uu shaki weyn soo fuulay.

Antoine Griezmann ayaa u muuqday mid muhiim ka noqon doona kooxda xilli ciyaareedka dambe xilli uu Lionel Messi u muuqday mid isaga tagaya kooxda.

Laakiin Messi ayaa jimicii ka laabtay go’aankiisa iskana sii joogi doona kooxda taas oo la macno ah in ay kooxdu iska iibin karto xiddiga Antoine Griezmann si ay isugu dheeli tirto kooxda.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay Arsenal, Liverpool iyo Man United si dhaw ula socon doonaan si ay ugu dhaqaaqaan xiddiga xagaaga dambe.

Wararka ayaa sheegaya in ay Barcelona aqbali doonto lacag ka yar midii ay kula soo wareegtay Antoine Griezmann si ay isaga iibiso xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here