Arin Cadayn U Ah In Uu Thiago Alcantara Ku Soo Wajanyahay Liverpool Oo La Ogaaday.

0
34

Xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcanatara ayaan ku laaban tababarka kooxdiisa Bayern Munich maanta xilli ay kooxdu u ogolaatay in uu tababarka ka maqnaado.

Xiddiga ku guulaystay champions League ayaa maanta bilaabay tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyaga oo xiddigaha kooxdu yimid si looga qaado tijaabada xanuunka Korona.

Mustaqbalka xiddiga 29 jirka ah ayuu shaki ku jiraa xilli ay Liverpool ka shaqaynayso in ay ka dhigto saxiixooda 2-aad ee suuqa xagaagan.

Jurgen Klopp ayaa taageero u ah xiddiga reer Spain ee Thiago Alcanatara kaas oo uu doonayo in uu ku xoojiyo khadka dhexe ee kooxdiisa.

Talaabada ay Bayern Munich qaaday ayaa la sheegayaa in ay cadayn u tahay in uu xiddiga khadka dhexe ku wajahan yahay Liverpool xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here