Antoine Griezmann Oo La Xaqiijiyay In Uuna Ku Faraxsanayn Barcelona.

0
63

 

Tababaraha Xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa sheegay in uuna xiddiga Antoine Griezmann ku faraxsanayn kooxda Barcelona.

Antoine Griezmann ayaa ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan Xulka qaranka France isaga oo door muhiim ah ka ciyaara guulaha xulka qarankiisa.

Laakiin xiddiga ayaa qaab ciyaareed liita ku jira marka uu u ciyaarayo kooxdiisa Barcelona isaga oo garabka weerarka uga ciyaara kooxda.

Didier Deschamps oo arintaas ka hadlaya ayaa u sheegay Goal.com”Waxa aan hubaa in uuna Antoine Griezmann ku faraxsanayn xaalkiisa Barcelona”.

“Aniga ahaan waxa waxa uu Antoine Griezmann ku fiicanyahay dhanka weerarka tooska ah waxana uu waliba markaas si fiican u caawiyaa xiddigaha khadka dhexe”.

“Laakiin Antoine Griezmann awood uma lahan in uu ka ciyaaro garabka weerarka”ayuu hadalkiisa sii raaciyayy.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here