Antoine Griezmann Oo Barcelona Ku Hogaamiyay Ku Guulaysiga Koobka Gamper Trophy

0
65

 

Barcelona Oo Ku Guulaystay Koobka Gamper Trophy kadib guul ay ka gaadhay kooxda Elche kulan ka dhacay garoonka Camp Nou.

Tababare Ronald Koeman ayaa kulanka ku soo galay shax adag oo uu hogaaminayay kabtankiisa Lionel Messi xilli uu weerarka ka ciyaaray xiddiga Antoine Griezmann.

Kooxda Barcelona ayaa dar-dar ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo gool wakhti hore ah ka dhaliyay kooxda Elche kadib markii uu kulanku bilowday.

Daqiiqadii 2-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 2-aad kadib markii uu xiddiga Antoine Griezmann soo taabtay shabaqa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Wixii goolka ka dambeeyay Elche ayaa iska caabin xoogan kala hor tagtay kooxda Barcelona iyaga oo u diiday in ay goolal kale ka dhaliyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here