Alvaro Morata oo tijaabada caafimaad uu u maray kooxda Juventus… +SAWIRRO

0
56

Weeraryahanka reer Spain iyo kooxda Atletico Madrid ee Alvaro Morata ayaa ka gudbay tijaabada caafimaad uu u maray kooxda Juventus, isagoo isku diyaarinaya inuu xirto maaliyada marwada duqda ah inta lagu jiro xilli ciyaareedkaan.

Juventus ayaa boggeeda rasmiga ah ee Twitter-ka waxay ku shaacisay fiidiyowga imaatinka ciyaaryahanka ee xarunta caafimaadka, saakay oo Talaado ah.

Alvaro Morata ayaa ugu dhaqaaqi doona kooxda Juventus heshiis hal xilli ciyaareed oo amaah ah, iyo qiimo dhan 10 million euros, iyadoo ay suurtogal tahay inay si toos ah ugu wada iibsato 45 million euros, sida heshiiska ku xusan, haddii ay ku qanacdo adeegiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here