Alvaro Morata Oo Soo Gaadhay Juventus Si Uu U Dhamaystiro Ku Biiristiisa Kooxda.

0
46

 

Alvaro Morata ayaa ka degay magaalada Turin si uu Tijaabada caafimaadka ugu maro Juventus maanta kadibna dhamaystiro heshiiska Amaahda ah ee uugu soo biirayo Juventus.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa xalay saqdii dhexe ka soo dagay madaarka Caselle Airport waxana si aad ah u soo dhaweeyay taageerayaasha Kooxda Juventus.

Xiddiga ayaa ku soo laabanaya Juventus maadama uu wakhti hore u soo ciyaaray kooxda intii u dhexaysay 2014 ilaa 2016 markaas oo uu amaah ugaga soo biiray Real Madrid.

Juventus ayaa Morata kula wareegaysa heshiis amaah ah oo hal sano ah ka hor inta ayna xagaaga dambe si toos ah ugula wareegin 45 milyan oo euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here