Alisson Oo Isha Ku Haya In Uu Shabaqiisa Ilaashado Markii Ugu Horaysay Muddo Sanad Ah.

0
66

Kooxda Liverpool ayaa markii ugu horaysay caawa ku ciyaari doonta garoonkeeda tartanka Champions League xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa marti galinaysa kooxda yar ee Midtjylland kulankoodii 2-aad ee tartanka xilli ciyaareedkan kadib markii ay todobaadkii hore bilowdeen tartanka.

Reds ayaa ku dhibaatootay in ay ilaashato shabaqeeda tartanka champions league xilli ciyaareedkii hore laakiin Reds ayaa shabaqa ilaashatay 5 ka mid ah 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay garoonkeeda ku ciyaartay champions League.

Markii ugu dambaysay ee ay Liverpool shabaqeeda ilaashato champions league ayaa ahaa kulankii ay Guusha 4/0 ah ka gaadhay kooxda Barcelona.

Source: somalifootball

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here