Alisson Oo Fariin U Diray Arsenal Ka Hor Kulankooda Isniinta.

0
69

 

Alisson Becker ayaa carabka ku adkeeyay in Liverpool ay “mar kale ku socoto wadada saxda ah” ka dib markii uu qaab ciyaareedkoodu hoos u dhacay kadib bandoogii dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Kooxda Liverpool ayaa heshay 17 dhibcood halka laga doonayay 27 dhibcood kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkii hore iyaga oo ka dhibco yaraa kooxaha Manchester City, Manchester United, Tottenham Hotspur, Chelsea & Southampton.

Liverpool ayaa sidoo kale dirqi ku badisay kulankii ugu horeeyay ee ay 4/3 uga badiyeen Leeds United laakiin guul fudud ka gaadhay kooxda Chelsea todobaadkii hore Alisson ayaana rumaysan in ay kooxdu ku soo laabatay wadadadii saxda ahayd.

“Waan ogahay in uu qaab ciyaareedkeenu hoos u dhacay, mana garanayno sababta “ayuu u sheegay Sky Sport.

“Ma ahyn wax aanu doonaynay laakiin waxa aan ogayn in aan u baahanahay in aan ku soo laabano wadada saxda ah hadii aan doonayno in aan u tartano koobabka xilli ciyaareedkan”.

“Haatan waxa aan ku jirnaa bilowgii xilli ciyaareedka waxana aan soo qaadanay kulan adag kulankii Leedsa, waxa uu aha kulan adag”.

“Kadib waxa aan la ciyaarnay chelsea kuwaas oo ah koox adag laakiin waxa aan soo bandhignay qaab ciyaareed fiican”.

“Waxa aan jecelahay kulamada adag, waxa aan jeclaaday sidii aan u difaacanay kulankii Chelsea waxana aan u malaynayaa in aan ku soo laabanay wadada saxda ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here