Alan Shearer Oo Doortay Shaxdiisa Ugu Fiican Premier League Todobaadkan.

0
65

Halyeeyga Premier League ee Alan Shearer ayaa soo saaray shaxdiisa ugu fiican todobaadkan premier League kadib markii la ciyaaray kulankii ugu dambeeyay ee todobaadka xalay.

Inkasta oo uu premier League bilow yahay hadana waxa durba is muujiyay xiddigo badan kuwaas oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay ilaa haatan.

Alan Shearer ayaana soo xushay shaxdiisa xiddigihii ugu fiicnaa ee todobaadkan kadib markii la soo gaba-gabeeyay todobaadkii 2-aad ee horyaalka.

Kooxda Crystal Palace oo ka yaabsatay kooxda Man United ayaa shaxda ku leh 3 xiddig halka Kooxaha Man City Iyo Brighton ayaa 2 xiddig ku leh shaxda Alan Shearer.

Kooxaha Liverpool, Aston Villa, Everton & Tottenham ayaa dhankooda min hal xiddig ku leh shaxda uu Alan Shearer u doortay shaxda ugu fiican todobaadka premeir League.

Alan Shearer ayaa sidoo kale tababaraha kooxda Crystal Palace ee Roy Hodson u magacaabay tababaraha ugu fiican todobaadkan horyaalka premier League.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here