Ac Milan Oo Guusheedii 2-aad Oo Xidhiidh Ah Gaadhay Crotone Ayay Garaaceen.

0
54

 

Kooxda Ac Milan ayaa sii wada qaab ciyaareedkoodii cajiibka ahaa ee ay ku bilowdeen xilli ciyaareedka horyaalka Serie A-da iyaga oo guul ka gaadhay kooxda Crotone.

Ac Milan oo uu ka maqnaa hogaamiyohooda Zlatan Ibrahimovic ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo ay ka go’nayd in ay sii wadaan guulaha xidhiidhka ah.

Kooxda Crotone ayaa iska caabin kala hor timid Ac Milan iyaga oo u diiday in ay si dhib yar ku gaadhaan shabaqooda iyaga oo si fiican u difaacday.

Laakiin Ac Milan ayaan ka daalin in ay wado dadaalka ay ku doonayso goolasha ay hogaanka ugu qabanayso kulanka.

Daqiiqadii 45-aad ayay Ac Milan dhalisay goolka 1-aad eed ee ciyaarta iyag oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Franck Kessie kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Ac Milan hogaaminayso kulanka laakiin iska caabin kala kulantay kooxda martida loo ahaa.

Qaybtii dambe ayay Milan ku bilaabatay weerar iyaga oo doonayay in ay dilaan ciyaarta siina dheeraystaan hogaanka ciyaarta si ayna kooxda Crotone ugu soo laaban.

Daqiiqadii 50-aad ayay Ac Milan dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga amaahda uga maqan Real Madrid ee Brahim Diaz kaas oo furtay akoonka goolasha ee Real Madrid.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Ac Milan kulankii 2-aad oo xidhiidh ah badisay una muuqato in ay xilli ciyaareedkan ka go’antahay in ay meel fiican ka gaadho horyaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here