Aabaha Mason Mount Oo Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In Uu Wiilkiisu Ka Xanaaqsanyahay Saxiixa Kai Havertz

0
11

Aabaha Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda chelsea ee Mason Mountayaa ka jawaab celiyay wararka sheegaya in wiilkiisa uusan ku faraxsaneyn go’aanka Chelsea ay kula saxiixatay Kai Havertz xagaagan.

Kooxda Frank Lampard ayaa ugu dambayn dhamaystirtay saxiixa 80-ka Milyan ah ee ay ku doonaysay saxiixa xiddiga reer Germany todobaadkan.

Imaatinka Havertz ayaa la macno ah in uu tartan adag ka jiri doono khadka dhexe ee weerarka kadib markii ay Timo Werner iyo Hakim Ziyech yimaadeen bilowgii xagaagan.

Wargayska Bild ayaa sheegay in uuna Mount ku faraxsanayn imaatinka Havertz ee chelsea waliba ka wal-walsanyahay in uu booskiisa u waayo xiddiga ugu qaalisan chelsea.

Laakiin Aabaha dhalay Mason Mount ayaa si xoogan u diidan wararkaas isaga oo ku jawaabay in ay warar been ah yiihiin.

Laacib.net

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here