Kooxda Arsenal ayaa suuqa galisay lacag badan sida kooxaha waaweyn ee kal laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay u tartamaan koobabka.
Laakiin xagaagii hore ayay Arsenal suuqa galisay lacag badan waxana ay keentay in ay u tartanto koobka Premier League xilli ciyaareedkii hore.
Arsenal ayaa doonaysa in ay sii wadato tartanka horyaalka waxana ay suuqa galinaysaa lacag aad u badan suuqa xagaagan.
Waxa ay baanka u jabisay Kai Havertz kaas oo ay ka bixisay lacag dhan 65 milyan oo euro.
Hadaba kadib saxiixa Havertz waxa la soo saaray 10-ka saxiix ee ugu qaalisan taariikhda Arsenal suuqa kala iibsiga.
1.Nicolas Pepe – £72m (from Lille, 2019):
Arsenal ayaa Pepe ku bilowday in ay baanka u jabiso suuqa waxana ay ka bixisay lacag aad u badan laakiin waxa uu ku fashilmay in uu muujiyo in uu u qalmo lacagta laga bixiyay.
2.Kai Havertz – £65m (from Chelsea, 2023)
Xiddiga reer Germany ayaa kooxda Arenal ugu biiray lacag dhan 65 milyan waxana ay kooxdu xalay ku dhawaaqday saxiixiisa waxana uu noqday saxiixii 2-aad ee ugu qaalisan taariikhda Arsenal.
3.Pierre-Emerick Aubameyang – £57.4m (from Dortmund, 2018)
4.Ben White – £50m (from Brighton, 2021)
5.Alexandre Lacazette – £47.7m (from Lyon, 2017)
6.Gabriel Jesus – £45m (from Manchester City, 2022)
7.Thomas Partey – £45m (from Atletico Madrid, 2020)
8.Mesut Ozil – £42.3m (from Real Madrid, 2013)
9.Granit Xhaka – £40.5m (from Monchengladbach, 2016)
10.Alexis Sanchez – £38.3m (from Barcelona, 2015)
Sii Akhriso: Dalka Turkey-ga Oo Ka Fal Celiyay Kitaabkii Lagu Gubay Dalka Sweden Maalintii Ciida

Related



Source link