Xiddiga cusub ee kooxda Arsenal ee Kai Havertz ayaa ka hadlay waxa uu bartilmaameedsan doono markii uu ku soo biiray kooxda Arsenal.
Havertz ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Arsenal ee suuqa kala iibsiga xagaaga waxana ay si Rasmi ah u dhamaystirtay heshiiskiisa habeenimadii khamiistii.
Xiddiga reer Germany ayaa doonaya in uu koobab kula guulaysto kooxda Arsenal isla markaas uu wax walba u samayn doono sidii uu uga farxin lahaayeen taageerayaasha kooxda Arsenal.
“Niyada xiddigaha Arsenal waa mid aad u saraysa, waan dareemayaa taas, xilli ciyaareedkii hore waxa aan ka hor tagay Arsenal aad ayayna u adkayd in lala ciyaaro”ayuu Havertz yidhi.
“Ujeedkayga waa in aan Arsenal kula guulaysto koobaba, mana sugi karo inta aan la kulmayo saaxiibadayda cusub”ayuu sii raaciyay.
Havertz ayaa 3 sano ku aatay kooxda chelsea isaga oo ku guulaystay champions League ka hor inta uuna ku biirin kooxda Arsenal.
Sii Akhriso: Kitaab Quraanka Kariimka Ah Oo Lagu Gubay Dalka Sweden, Sabab.

Related



Source link