Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa jamaahiirta kooxdiisa ka war siiyay xaalada dhaawac kasoo kabasho ee weeraryahanka kooxda ee Alexandre Lacazette kaas oo dhaawac ku maqnaa mudooyinkii u dambeeyay.

28 sano jirkan ree France ayuu gaadhay dhaawac canqawga ahi intii uu socday kulankii ay Arsenal bar-bardhaca 2-2 ah la gashay Tottenham oo soo booqatay.

Alexandre Lacazette

Alexandre Lacazette

Si kastaba, Tababare Emery ayaa shaaca ka qaaday in Lcazette uu tababarkii shalay ee kooxda qaatay laguna wado inuu maanta tababar kale sameeyo iyadoo ay jirto fursad uu kulanka Isniinta ee Premier League kaga soo muuqan karayaa.

“Maanta waa maalintii ugu horreysay ee uu Lacazette tababarka nagula soo noqday” Ayuu ugu horreynba shalay saxaafada u sheegay Emery.

“Waxa uu ku dhammaystay si wanaagsan wanaag ayuuna ka dareemayaa dhaawacyadiisa, Berrito markale ayaanu tababaran doonaa anaga ayuuna nala joogi doonaa, Waanu go’aansani”.

Lacazette ayaa qaab wanaagsan ku jiray kahor dhaawaciisa waxaana uu laba gool kusoo dhaliyay saddex kulan taas oo farxad haatan ku abuuraysa Emery oo sheegay inuu u riyaaqsan yahay inuu tababarka kula soo laabto.

“Waxa ugu muhiimsani ugu horreyn waa inuu tababaranayo, Marka labaad waa haddii uu anaga nala joogi karayo (Kulanka Sheffield) waxa ay ku xidhan tahay sida uu maalmaha soo socda dareemi karo isaga oo nala tababaranaya, Haddii uusan canqawgiisu isaga siinayn dhibaatooyin intaas ka badan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here