Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa sheegay in xiddiga reer Brazil ee Neymar da Silva uu doortay kooxdiisa cusub iyada oo xididgu ku dhawyahay in uu isaga tago kooxda suuqa xagaagan.
31-sano jirkaan heerka caalami ee dalka Brazil ayaa qandaraaska uu kula jiro Paris Saint-Germain wuxuu dhacayaa xagaaga 2025.
Si kastaba ha ahaatee, dhammaan calaamadaha ayaa xaqiijinaya ka tagista Neymar da Silva ee Paris Saint-Germain, ka dib markii uu xumaaday xiriirka kala dhexeeya maamulka kooxda iyo taageerayaasha.
Wargeyska ayaa tilmaamay in Paris Saint-Germain ay dooneyso inay ka takhalusto Neymar, islamarkaana uu xiddigu ka fikirayo in uu ku biiro kooxda Man United.
Wargeyska ayaa intaa ku daray in Manchester United ay dooneyso inay lasoo saxiixato Neymar da Silva xilli xiddigu uu doonayo in uu kaliya Man United ugaga biiro PSG.
“Marca” ayaa intaa ku dartay in Ku biirista Neymar ee Man United ay keenayso in ay Red Devils bixiso mushahar aad u sareeya si ay u hesho xiddiga.

Related



Source link