“Waxaan rabnay Joao Cancelo bishii January, xiddiga ayaa loo soo bandhigay Barcelona waxana uu yidhi “Haa”Xavi ayaa sidaa ku sheegay mar uu la hadlayay TV3.
“Man City ayaa gudohooda ka wadahadalay arinta kadib waxa ay noo sheegeen in ayna diyaar u ahayn in ay Cancelo u ogolaadaan in uu ku biiro Barcelona”ayuu sii raaciyay.
Man City ayaa ugu dambayn Cancelo amaah ugu dirtay Bayern Munich suuqii January halkaas oo uu si fiican uga soo muuqday.
Cancelo ayay isku dheceen tababare Pep Guardiola taas oo keentay in uu tababaraha reer Spain iska fasaxo xiddiga una ogolaado in uu isaga tago kooxda.
Barcelona ayaa si aad ah ugu baahan xiddig daafaca Midig ah waxana ay doonaysay in ay hesho Cancelo laakiin Guardiola ayaa kooxdiisii hore u diiday saxiixa xiddiga.

Related



Source link