Sida ay sheegtay idaacada Isbaanishka ee Cadena SER, guddiga tartanka ayaa go’aankooda ku aadan waqtiga la ciyaarayo kulanka El Clasico ee Barcelona iyo Real Madrid waxa ay ku dhawaaqi doonaan Khamiista oo maanta ah ama berri oo Jimce ah.

Waxaa hore loo sheegay inaan go’aanka gudiga guddiga ee kulanka ugu horeeya ee El Clasico ee xilli ciyaareedkan oo ku balansanaa 26ka October inaan la ogaan doonin ilaa iyo Arbacada soo socota, afar maalmood ka hor waqtigii hore ee lagu balansanaa inuu kulanka dhaco.

Si kastaba, war cusub oo soo baxay ayaa sheegaya in guddiga La Liga inay go’aankooda ku dhawaaqi doonaan xilli hore iyadoo la filayo inay taariikh bedelka shaaciyaan maanta ama berri.

Waxaa jirta labo taariikh oo la doonayo in midkood kulanka loo wareejiyo waa 4ta ama 18ka bisha December. Waxaana lagu ciyaari doonaan sida markii horeba qorshaha uu ahaa garoonka Camp Nou ee Barcelona.

Boliiska maxaliga ah, dowlada Spain iyo dadka ku lugta leh ciyaartaan ayaa intaba isku raacay inay halis tahay in kulanka El Clasico la ciyaaro 26ka bishaan October halka sidoo kale la diiday in ciyaarta loo wareejiyo Santiago Bernabeu madaama ay taasi ka horimaaneyso sharciga u degsan horyaalka.

In kulanka El Clasico taariikhda laga bedelo waxaa ugu wacan mudaharaadyada ka socda gobolka Catalonia gaar ahaan magaalada Barcelona ka dib markii ay dowlada Spain xabsi ku xukuntay siyaasiin gooni isu taag doonayay.

Horyaalka La Liga ayaana doonaya inay ka fogaadaan inay xaalada sii xumeeyaan madaama kulanka El Clasico isagaba loo arko kulan siyaasadeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here